Duqa Muqdisho oo mamnuucay in dekada laga soo dejiyo Mooto Bajaaj

Wareegto Maanta ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow ayaa lagu mamnuucay in aan Dekada laga soo dejin karin Mootooyinka Bajaajta.

Sidoo kale wareegtada ayaa lagu mamnuucay in Wadooyin magaalada soo gala xitaa aan laga soo galin karin mooto Bajaaj Cusub.

Sababta loo manuucay ayaa waxaa lagu sheegay inay bateen cabahasooyinka dadka iyo Hay;adaha amniga ay ka keeneen Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta iyo in mashquul(saxmad) ku hayaan Wadooyinka Magalada Muqdisho taasina ay keentay ciriiri farabadan.

Wareegtada lagu mamnuucay in Mootooyinka Bajaajta laga soo dejiyo Dekada Muqdisho ayaa ku soo aadeysa xilli Wadooyinka Waaweyn ee Magalada Muqdisho ay ku hayaan Ciriiri farbadan,isal markaana dadka ay cabasho ka muujiyeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor