Duqa Muqdisho oo lagu bogaadiyay garab-istaagga Waxbarashada Gabdhaha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa dhiiragelin iyo garab-istaag u sameeynaya Waxbarashada Gabdhaha.

Waxa uu Duqa Muqdisho ka qeyb galay Xaflad ay ku qalin jebinayeen arday ka baxday Jaamacadda Banaadir,waxaana uu balan qaaday inuu shaqo siinayo Gabadha kaliya ee ka mid aheyd  ardaydii ka qalin jebisay Kulliyada Injineerinka ee Jaamacadda Banaadir, sidoo kalena kaalinta koowaad gashay.

Ardaydii Qalin jebineysay iyo dhamaan dadkii ka qeyb galay munaasabada ayaa Duqa Muqdisho uga mahad celiyay talaabada wanaaga iyo dhiira gelinta isugu jirta ee uu qaaday guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor