Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay dagaal Maanta deegaan ka tirsan Degmada Deyniile ee Gobolka ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka.
Duqa Muqdisho oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa kormeeray goobta uu ka dhacay dagaalkii dhexmaray Ciidamo ka tirsan maamulka Deyniile iyo kuwa Milateri ah oo la tilmaamay inay ka yimideen dhinaca degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraal kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in si deg deg ah loola xisaabtami doono cidkaste oo ku xad gudubta sharciga, waxaana qoraalka Maamulka lagu xusay in Ciidankii la dagaalamay kuwa Deyniile ay ahaayeen Ciidamo hubeysan oo dhul-boob sameeynayay.
Dagaalkii ka dhacay deegaanka Beco ee degmada Deyniile ee Gobolka Baanadir ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, isla markaana waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ugu yaraan Saddex Askari ayaa ku geeriyootay dagaalkaas, halka tirro kalena uu dhaawac soo gaaray, iyadoo saacado dhowr ah aaga uu dagaalka ka dhacay ay ka jirtay xaalad kacsanaan, hayeeshee haatan xaaladda ay si caadi ah kusoo laabatay.