Duqa Muqdisho oo kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah Xafiisyada Maamulka Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta kormeer ku sameeyay qaar ka tirsan Xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir si oo ugu kuurgalo howl maalmeedka shaqo ee ka socda xafiisyadaasi.

Guddoomiyaha ayaa xafisyada uu booday kala ah Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha oo ah Xafiiska loogu adeego Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar iyo Xarunta Idaacada Codka Caasimadda ee Gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor