Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay kulan lagu taageerayay Xildhibaanada golaha Shacabka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay Xaflad Mahad Celin iyo Casha Sharaf U sameeyay Xildhibaanada Goloha Shacabka oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Matalaada Gobolka Banaadir.

Xafafaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Raisul Wasaare ku xigeenka Dalaka Gudoomiyasha Barlamanka Galmudug iyo Hirshabeele odayaasha Dhaqanka iyo Marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u Mahad Celiyay Xildhibaanada sharafta leh oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Matalaada Gobolka Banaadir.

Dhankooda xildhibaanada golaha shacabka eek u sugnaa madasha ayaa muujiyay sida ay diyaar ugu yihiin difaaca iyo xuquuq raadinta gobolka Banaadir iyaga oo sheegay in sidaas oo kale rajaynayaan in la cadeeyo maqaamka magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media