Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo la yeeshay heerarka kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan, waxaana goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).
Duqa Muqdisho ayaa warbixin la xariirta horumarrada iyo caqabadaha dhinaca shaqooyinka ka dhageystay qeybaha kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay dardargelinta adeegyada loo haayo bulshada, la dagaalanka maandooriyaha, anshax xumada, nadaafadda iyo in laga fogaado musuqa.