Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Xarun 30-sanno kadib dib u dhis lagu sameynayo

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Gaadiidka iyo Dhul-bixinta Dowladda Hoose ee Xamar oo dib loo dhisayo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in muddo 30 sano ah kaddib dib loo dhisayo Xaruntan, iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay xarummo ku mel gaar ah ku shaqeynaayeen Laanta Gaadiidka iyo Dhulbixinta ee Dowladda Hoose.

“Muddadii la soo dhaafay, waxaan xoogga saareynay in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud ee bulshada loogu adeegayay, kuwaas oo ay kaalin weyn ka qaadanayaan bulshada Caasimadda oo si wadajir ah ugu istaagay dib u dhiska dalka iyo ka qeyb qaadashada barnaamijyada isxilqaan ee socda.”

Duqa Muqdisho, waxuu tilmaamay in xilligan Gacanta lagu hayo dhismooyin Waddooyin dhowr ah iyo xarumo Maamulka oo qaarkood ay gabo-gabo marayaan, kuwa kalana mashruucooda dhismaha uu socdo.

Sidoo kale, Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhiska xarunta ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Caasimadda ee sanadkan oo lagu soo celinayo xarummo dowladood, goobo nasasho iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo muhiim u ah horumarka Caasimadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media