Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka ee ka bar-bar dagaallamaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Hiiraan.
Munaasabadda wareejinta deeqda, oo si rasmi ah u qabsoontay, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, iyo xubno ka tirsan Ururka Haweenka Gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in deeqdan ay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu taageerayo Ciidamada Qaranka iyo kuwa Difaaca Deegaanka ee ku howlan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Alshabaab. Wuxuu intaa ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka go’an yahay garab istaagga ciidamadaas, isla markaana uu diyaar u yahay in uu ka qeyb qaato taageerada kasta oo ay u baahan yihiin.
“Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka waxay u dagaalamayaan badbaadada dalka iyo shacabka. Waana masuuliyad na saaran inaan garabkooda istaagno,” ayuu yiri Dr. Muungaab.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid dhiirrigelinaysa iskaashiga dowladda hoose ee Muqdisho iyo laamaha amniga ee dalka, iyadoo sidoo kale muujineysa kaalinta ay haweenka iyo madaxda heer gobol ka qaadanayaan xoojinta nabadda iyo amniga dalka.