HomeWararDuqa Muqdisho iyo Midowga Afrika oo isku raacay ka hortaga tacadiyada ka...

Duqa Muqdisho iyo Midowga Afrika oo isku raacay ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara. Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, ilaalinta xuquuqul iinsaanka iyo dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir uu ugu jiro xal u helista dhibaatooyinka haysta dadka barakacayaasha ah. Eng.Yarisow […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, ilaalinta xuquuqul iinsaanka iyo dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir uu ugu jiro xal u helista dhibaatooyinka haysta dadka barakacayaasha ah.

- Advertisement -

Eng.Yarisow ayaa tilmamay muhiimadda ay leedahay in Saraakiisha Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay kala shaqeeyaan hay’adaha heer Federaal iyo heer Gobol xal u helista tabashooyinka ka dhanka ah xuquuqda haweenka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay magacaabayaan guddi ka shaqeeya ilaalinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan baaritaanka eedaymaha soo gaara Gobolka ee ku saabsan tacaddiyada.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii loo xaqiijin lahaa ilaalinta karaamada iyo sharafta bulshada Gobolka, iyadoona aan kaashaneyno dhammaan dhinacyada ay khuseyso.”

- Advertisement -

Dhankiisa, Danjire Francisco Medara ayaa bogaadiyey qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan ilaalinta xuquuqul insaanka, isagoona ballaan qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan baaritaannada ku saabsan arrinkan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Medara ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay u leedahay dhallinyarada iyo horumarinta ciyaaraha dib u dayactirka Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium oo dhawaan ay banneeyeen Ciidanka AMISOM.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts