Duqa Magaalo ka tirsan Sweden oo soo gaaray Muqdisho lana kulmay Mas’uuliyiin

Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden iyo wadi la socday ayaa Maanta soo gaaray magaakada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana soo dhaweyn loogu sameeyay Garoonka diyaaradaha.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Cabdullahi Aden.

Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullaahi Aadan oo safar shaqo ku yimid Soomaaliya ayaa inta uu joogo waxa uu la kulmi doonnaa Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir si la isaga kaashado wada-shaqeynta iyo wax is-dhaafsiga labada Magaalo ee Bolnas iyo Muqdisho.

Soo dhaweyntaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Xildhibaanada labada Aqal ee DFS, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal, Siyaasiyiin iyo qeybo ka mid ah Bulshada Gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor