Duqa Degmada Boosaaso oo la doortay

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa maanta lagu qabtay doorashada Duqa Degmada oo ay ku tartameen labo musharax.

Duqa Degmada Boosaaso ayaa loo doortay inuu noqdo Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ahaa Wasiir ku xigeenkii hore maaliyada Puntland oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 28 Cod.

Sidoo kale Duqa Cusub ee Boosaaso ayaa  waxaa doorashada kula tartamay Maxamed Faarax xaaji Mire,kaasi oo helay 3 Cod oo kaliya.

Goobta lagu dooranaaye Duqa Degmada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan xildhibaanada golaha Deegaanka,iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Boosaaso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor