• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Bilan Media

DUMARKA BOOLIS TARAAFIGGA AH EE MALAADDA MUQDISHO

Bilan Media by Bilan Media
February 10, 2025
in Bilan Media
Reading Time: 3 mins read
A A
DUMARKA BOOLIS TARAAFIGGA AH EE MALAADDA MUQDISHO
1.2k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dhaqan ahaan bulshada Soomaalidda wax jira  shaqooyinka qaar aysan dumarka qaban karin, balse waxaa jira dumar badan oo ka ka gudbaya caqabadaas. Kuwaas oo ay ugu horeeyaan dumarka ka tirsan ciidanka booliska gaar ahaan kuwa taraafikada, oo waayadii dambe si xoogan ugu soo biirayay.

Samiira Cabdullahi Xuseen oo ah labaatan iyo shan jir ka tirsan ciidanka Taraafikada ayaa tiri; “waxaa igu dhiiragaliyey shaqadan xaaladaha ay ku sugan yihiin waddooyinka magaaladda Muqdisho, dadweynahu waxa ay u baahan yihiin in wadooyinka la dhaafiyo, gaar ahaan dumarka.”

Waxaa muuqata in haweenku si firfircoon uga qayb qaadanayaan illaalinta iyo nidaaminta waddooyinka, iyga oo ka shaqeynaya jidadka magaaladda si ay u xakameeyan gaadiidka una hubiyaan ammaanka bulshada. Gabdha taraafikada ah ayaa muujinaya xirfad iyo karti iyga oo ka shaqeynaya sidii loo heli lahaa magaalo  nidaamsan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Taraafikada Saciid Baryare ayaa yiri; “dowladu waxa ay ku dedaalaysa in gabdhaha la siiyo 30%, laakiin gabdhaha booliska tarafaakida ku jiraa way ka badan yihiin 30% tiro ahaan.”

Saciid Baryare oo hadalka sii wadday ayaa dhanka kale sheegay; “ gabdudhu dhanka wax qabadka waa ay ka fiican yihiin ragga ay shaqo wadaagta yihiin ,shaqooyinka loo diro ma dayacaan, saacadaha shaqada oo dhan  waxa aad arakaysa iyaga oo shaqo ku mashquulsan oo jidadka kala haggaya.”

Shaqooyinka xakameynta waddooyinka iyo illaalinta amniga ay taraafikada qabtaan  ayaa muhiim u ah koritaanka magaalooyinka. Haweenka ciidanka ayaa si dhab ah u xaqiijiyay in ay  qayb  ka noqdaan hormarka dalka ka socda.

Hibaaq Maxamed Faarax oo ka mid shacabka magaaladda Muqdisho ku nool ayaa ayaa tiri; “dumarka Booliska Taraafikada waxa ay dhiirigelin u yihiin  guud ahaan haweenka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan illaalinta nidaamka iyo bulshada.”

In kasta oo dhaqanka iyo bulshada qaarkeed ay diido kala kulmaan dumarka ka tirsan ciidanka booliska gaar ahaan qeybta taraafikada haddana waxa jira bulshada qaybo ka mid ah oo soo dhaweeyay shaqada haweenkan.

Mukhtaar Macallin oo ah soddon iyo seddex sanno jir ah, ka na mid ah bajaajlayda magaaladda ayaa yiri; “gabdhaha taraafikada aad bay u wanaagsan yihiin shaqo ahaan, waxa ay illaaliyaan nidaamka waddooyinka, waxa ay  xakameeyan jaamka gaadiidka.’

Dhaka kale Taliya Ciidanka Taraafikada Saciid Baryre, ayaa ka hadlay caqabadaha heysta gabdhahan wuxuuna yiri; “caqabadahu waa ay badan yihiin, oo waxa laga yaaba in ay joojiso wadayaasha gaadiidka, waxaa laga yaabaa in uu san u istaaginba, ama uu gaariga ku dhufto. Qaarkood ayaaba ku dhaha gabar ayaad ba tahaye maxaa ku keenay waddada, ama uu af lagaadeeyaba. Si aan wax uga beddelno arrimahan isgoys walba waxaan geynay gabdho si ay dadku ula qabsadaan”.

 

Sahra Ahmed, Bilan Media

Previous Post

Somali National Army Commander Meets with Italian Defense Attaché to Discuss Military Cooperation and Development Plans

Next Post

Adan Madoobe oo Furay Kulanka Banbaxa ee Guddiga Joogtada ah

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA
Bilan Media

ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA

May 20, 2025
BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.
Bilan Media

BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.

May 10, 2025
XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE GABDHAHA KU JIRA ICT-da.
Bilan Media

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE GABDHAHA KU JIRA ICT-da.

April 27, 2025
Untold Stories, Unheard Voices: Bilan’s Third Year
Bilan Media

Untold Stories, Unheard Voices: Bilan’s Third Year

April 11, 2025
Sannad-guuradii Saddexaad ee Bilan Media
Bilan Media

Sannad-guuradii Saddexaad ee Bilan Media

April 11, 2025
Harassment Against Women Swimmers at Lido Beach: “We Swim in Fear”
Bilan Media

Harassment Against Women Swimmers at Lido Beach: “We Swim in Fear”

April 8, 2025
Next Post
Adan Madoobe oo Furay Kulanka Banbaxa ee Guddiga Joogtada ah

Adan Madoobe oo Furay Kulanka Banbaxa ee Guddiga Joogtada ah

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Bilan Media, oo ah xarunta warbaahineed ee kaliya ee haween u gaar ah ee Soomaaliya laga leeyahay, ayaa ku dhawaaqday...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Kulanka...

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Meersiis oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii beelo...

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda...

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa'il

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
  • Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
  • Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
  • Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00