DR: Baadiyoow “Ma haboona in qof Muslim ah la gaalaysiiyo mana jiraan Axaadiis La beeniyay ee tafsiirka ayaa la isku khilaafay”

Dr: C/raxmaan  Macalin Cabdulaahi Baadiyoow oo ka hadlay dood kulul oo ka dhalay qudbub dhawaan hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxman C/Shakuur Warsame uu uu ka jeediyay dalka Jarmal ayaa si aad ah u dul istaagay nuxurka khudbaddaas iyo falcelinta ka dhalatay.

Ugu horeyn C/raxmaan Macalin C/llaahi Baadiyoow  ayaa sheegay in wax wanaagsan aysan aheyn in la gaalaysiiyo ruux  muslim ah iyada oo sida uu yiri koox gaar ah ay is xijinayso diinta Islaamka oo dhamaan ummadda Soomaaliyeed ay rumaysanyihiin.

Waxa uu yiri  “Sax ma aha, mana haboona in diinta Islaamka oo dadka Somaaliyeed wada rumeysanyihiin shakhiyaad gaar ah dadka ka xigsadaan” .

Geesta kalana waxaa uu daaha ka rogay shacabka Soomaaliyeed Xiligaan la daala dhacayaan khilaafka siyaasadeed ee dalkaan raagaadiyay,balse aan loo baahnayn xiligaan in lagu bur-buriyo khilaaf diimeed sida uu hadalka u dhigay.

“Khilaaf siyaasadeed dal la daala-dhacayaa in khilaaf diineed la buunbuuniyo waqtigaan wax la qaadan karo ma aha. Gaaleysiinta ruuxa Muslimka ah iyo in la baneysto dhiigiisa ma aha mas’uuliyadda shakhsiyaadka” .

Siyaasiyiinta,Culimada iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu u soo jeediyaya in ay joojiyaan is nacaybka,lana joogo xiligii Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliyeed.

“Waxaan xasuusinayaa dhamaan inta arinkaan ku ibtaleysan iney Ilaahey uga cabsadaan oo ay joojiyaan fitnada. Waxaan joognaa waqtigii aan mideyn laheyn aragtideyna iyo dareynkeyna si aan usoo ceshano dowladnimo u adeegta danta dalka iyo dadka”

Marka laga soot ago hadalka guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug ayaa hadana waxaa isi soo taraya fal-celinta ka dhalatay khudbad uu dhawaan Cabdiraxmaan C/shakuur uu ka jeediyay dalka Jarmalka oo uu uga hadlay doorka Haweenka iyo Siyaasadda isaga oo soo qadanayay Axaadiis hase’ahaatee ay culumadu ku dhaliileen sida uu u dhigay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media