HomeWararDowladdaha Soomaaliya iyo India oo Maanta heshiis kala saxiixday

Dowladdaha Soomaaliya iyo India oo Maanta heshiis kala saxiixday

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ku sugan dalka india ayaa waxa uu ku sheegay in Maanta Gudaha dalkaasi uu heshiis ku dhex maray dowladdaha soomaaliya iyo india kaas oo ku saabsan soo wareejinta Maxaabiista Soomaaliyeed eek u xiran dalkaasi India

Heshiiskani wuxuu u saamaxayaa Dowladda Soomaaliya in iyada lagu soo wareejiyo 118 maxbuus oo loo heysto dembiyo la xiriira burcad badeed oo hadda ku jira xabsiga Taloja ee magaalada Mumbai ee dalka India ka dib marka uu xukun ku dhaco.

Heshiiskaasi wuxuu qorayaa in maxaabbiistaasi ay xukunka ku dhammeystaan dalkooda si ay ehelkooda iyo saaxiibbadood ay u soo booqan karaan.

Midkii raba in xukunkiisa dib u eegis lagu sameeyo sida uu heshiisku qorayo waxaa go’aanka dib u eegista leh Dowladda India,laakiin haddana waxaa uu heshiisku qorayaa in labada Dowladooa ee Soomaaliya iyo India ay mid kastaa iskeed cafis ugu fidin karo maxaabbiista iyada oo waafijneysa shuruucda dalkeeda.

Maxaabbiista Soomaaliyeed ee India ku xiran oo dacwaddooda la qaaday, waxaa la filayaa 15-ka ugu horreeya in Maxkamad ku taalla Mumbai ay berri ku dhawaaqi doonto xukunkooda.

Aniga iyo xubnaha kale ee wafdiga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir iyo mas’uuliyiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ka mid tahay Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi, Ebyan Maxamed.

Waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhammaan inta gacan ka geysatay daba socodka howshan, diyaarinta iyo dib u eegista nuqulka heshiiska, wada xaajoodka iyo taageerada iyo dhiirri gelinta howshaan guusha ku dhammaatay.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal Wasaaraha, Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka, Wasiirka Caddaaladda, Xasan Xaaji, oo heshiiska naga hubiyay talana ka bixiyayayaa lagu yiri Warka qoralka ah ee ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories