Dowladdaha Ingiriiska iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis Cusub

Dowladaha Turkiga iyo Inrigiiska ayaa shaaciyey in ay kala saxiixdeen heshiiska ganacsiga xorta ah, iyada oo Magaalada London u diyaar garoobeyso in ay dhamaadka bishan si rasmi ah uga baxdo Midowga Yurub.

Heshiiskan oo dhaqan geli doona 1-da bisha Janaayo 2021 ayaa kor u qaadi doona ganacsiga labada dhinac ka dhexeeya oo sannadkii 2019-kii ka badnaa $25 billion oo dollar.

Heshiiska labada dal ayaa yimid maalmo un kadib markii UK iyo Midowga Yurub ay heshiis buuxa ka gaareen inay kala furtaan kadib wada-hadallo socday sanado.

Dowladda Ingiriiska ayaa diyaar garoowii ugu dambeeyay ugu jira sidii ay si rasmi ah uga bixi laheyd Midowga Yurub,  isla markaana waxaa la qorsheeyay in heshiiska Cusub ee Turkiga iyo UK uu ka dhaqan geli doono 1-da bisha Janaayo 2021.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media