Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, CHOE SOH-HUI ayaa maanta sheegtay inaysan Maraykanka la fariisan doonin haddii aysan iyaga doonayn in si wadajir loo wada fariisto.
Waxay ku sheegtay Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka, Mike Pence nin doqon ah oo isla weyn.
Waxa uu horey u รย sheegay in laga yaabo inay Waqooyiga Kuurya u dhamaato sidii dalka Libya oo kale, waa haddii ay diidaan Codsiga Maraykanka ee burburinta Nukliyeerka Waqooyiga Kuurya.
Wakaalladda Wararka Waqooyiga Kuurya ee The Korean Central News Agency ayaa sheegtay inay Dowladdu qaadici doonto Kulanka lala yeelan lahaa Madaxweyne Donald Trump, haddii aan la joojinin waxa loo yeeray Falalka aan sharciga ahayn