Dowladda Turkiga oo war kasoo saartay Weerarkii lagu laayay dadkii shacabka ahaa

Dowladda Turkiga ayaa si kulul uga hadaly weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay Degaanka Afar Irdood oo u dhexeeya Degmooyinka Baladwweyne iyo Maxaas oo ka wada tirsan Gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Dowladda Turkiga ay ku leedahay Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda dalkaasi Turkiga ay aad uga xuntahay weerarkaasi khasaaraha badan dhaliyay ee ay ku dhinteen dadka shacabka ahi.

Waxaa ay sheegtay Safaaaddu in ay cambaaraysanyso falkaasi ay Al-Shabaab ku kaceen, sidoo kalena waxaa ay caafimaad deg deg ah u rejaysay dadkii ku dhaawacmay weerarkii shalay ka dhacay inta u dhaxaysa Baladweyne iyo maxaas.

Weerarkii Al-Shabaab ay ka fuliyeen degaanka Afar irdood ayaa ahaa mid aad u khasaare badan, waxaana ku dhintay dad rayid ah oo tiradoodu ka badan tahay sida la sheegay 21 ruux, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, halka laga gubay gaadiid u rarnaa oo gaaraya ilaa sagaal Gaari oo siday raashin iyo Alaaabo kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor