Dowladda Turkiga oo si kulul uga hadashay Qaraxii ka dhacay Shangaani

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u Cambaareysay qaraxii xalay ka dhacay Maqaayad Shaaxa laga cabo oo ku taalla meel ku dhow Saldhiga degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha Qarxa ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday dhalinyarada, iyagoona ku tilmaamay falkaas inuu ahaa mid Argagixiso ah.

Turkiga ayaa tacsi u diray dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, sigaar ah ugu tacsiyeeyay qoysaska ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay, iyagoona dadka dhaawacmay u rajeeyay Caafimaad.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa qaraxa argagixiso, waxaana u tacsiyeyneynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha. waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe kuwa naftooda ku waayey, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dhibanayaasha waxaanan u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay”ayaa lagu yiri Qoraalka.

Jugta qaraxii xalay ka dhacay degmada Shangaani ayaa waxaa siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ku geeriyooday 6 ruux oo mid uu ahaa Ninkii is qarxiya, halka ay ku dhaawacmeen 5 qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor