Dowladda Turkiga oo Gawaarida gashaaman ugu deeqday Ciidanka xoogga dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa hub iyo gaadiid dagaal oo loogu talagalay Ciidanka Xoogga waxaa ay kala wareegtay Dowladda Turkiga.

Munaasabadda oo loogu qabtay Magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb-galay Safiirka dowladda Turkiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Gashaanndhiga Xukumadda Federaalka ee uu horkacayay Wasiiru-dowlaha wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa iyo saraakiil katirsan wasaaradda Gaashandhiga.

Gaadiidkaan oo ah nooca kuwa Gaashaan ayaa waxaa loogu talo galay inay ku howlgalaan Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor, kuwaas oo dagaal adag kula jira dagaalamayaasha Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor