HomeCaalamkaDowladda Sweden oo magangelyo Qaxootinimo siinaysa Muslimiinta ku dhibaataysan gudaha Shiinaha

Dowladda Sweden oo magangelyo Qaxootinimo siinaysa Muslimiinta ku dhibaataysan gudaha Shiinaha

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Sida lagu soo daabacay WebPage-ka Hay’adda Socdaalka ee dalka Sweden waxay Dowladda ballan qaaday inay Qaxootinimo siinayso Muslimiinta ka imaanaya Gobalka Shinjiyaan ee dalka Shiinaha iyo xubnaha kale ee Muslimiinta laga tirada badan yahay. Qoraalka lagu shaaciyey arrintaasi waxaa lagu sheegay inay dib u eegi doonaan Magangelyo-doonayaasha ka imaanaya Gobalkaasi una aqoonsan doonaan Qaxooti. Codsiyadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sida lagu soo daabacay WebPage-ka Hay’adda Socdaalka ee dalka Sweden waxay Dowladda ballan qaaday inay Qaxootinimo siinayso Muslimiinta ka imaanaya Gobalka Shinjiyaan ee dalka Shiinaha iyo xubnaha kale ee Muslimiinta laga tirada badan yahay.

Qoraalka lagu shaaciyey arrintaasi waxaa lagu sheegay inay dib u eegi doonaan Magangelyo-doonayaasha ka imaanaya Gobalkaasi una aqoonsan doonaan Qaxooti.

- Advertisement -

Codsiyadda Muslimiinta ku dhibaataysan Shiinaha waxaa la sheegay in si toos ah loo aqbali doono, isla markaana aan marnaba la masaafurin doonin.

Tallaabadaasi ayaa u muuqata inay Tusaale fiican u tahay dalalka kale ee Reer Galbeedka, si ay u qaabilaan dadka Muslimiinta ee lagu dhibaateeyo gudaha dalka Shiinaha.

Dhinaca kale, Warbixin ka soo baxday Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in ka badan hal million oo Muslimiint ah lagu hayo Xerooyin ku yaalla Shiinaha, lana mamnuucay in Diinta Islaamka lagu barto Gobalka Shiinjiyang.

- Advertisement -

Warbixin kale oo ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch soo saartay ayaa lagu sheegay inay Dowladda Shiinaha  qaaday Olole ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, isla markaana ay si xun ula dhaqanto Muslimiinta, oo loo geysto  Xarig-wadareed, jir-dil iyo tacadiyo kale.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts