Dowladda Spain oo loolan ugu jirta Taliska Dhexe ee Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida

Dowladda Spain ayaa doonaysa in Xarunta Dhexe ee Taliska Hawlgalka Midowga Europe ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda loo soo wareejiyo dalkeeda.

Taliska Dhexe ee Hawlgalkaasi oo haatan ku yaallaa Deegaanka Northwood ee magaalladda London ee dalka Britain, ayaa la filayaa in laga soo wareejiyo, iyadoo  Dowladda UK  si rasmi ahaan uga baxayso  Heshiiska Ururka Midowga Europe sannadka soo socda.

Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Spain, General Fernando Alejandre Martinez waxa uu sheegay inay xaqiiqdii muhiim u tahay dalkiisa inay Xarun Dhexe u noqoto Hawlgalka EU-da (Atalanta operation) ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Waxa uu tilmaamay  inay Xarunta Dhexe ee Hawlgalka Atalanta operation ka dhigi doonaan magaalladda ku taalla Koonfurta Spain ee ROTA, oo ay Ciiddamo Maraykan ku leeyihiin Saldhig.

Dhinaca kale, Ciiddanka Spain waxay ka mid yihiin Ciiddamadda EUFOR ee qeybta ka ah Hawlgalka lagula dagaalamayo Burcad-baddeeda Soomaalida.

Hawlgalkaasi ayaa bilowday sannadkii 2008-dii, kadib, markii ay Burcad-baddeeda afduubteen Badmaaxiin iyo Maraakiib, oo ay ka qaadan jirey lacago madax-furasho ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media