Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Weerar laga fuliyay Gobolka Mudug

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya  ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah in ay Mar kale weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Alshabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

“Ciidmaada Qaranka oo taageero Ka helaya Mareykanka ayaa markale maanta hawlgal Ka dhan ah Alshabaab Ka fuliyay Gobalka Mudug.

Hawlgakaan ayaa qayb Ka ah dadaalka ay Dawladda Soomaaliya kor ugu qaadayso Badqabka Bulshada Soomaaliyeed laguna wiiqayo Shabaab ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Howalgalkaan waxaa lagu dilay Lix Shabaab ah mana jirto qasaare gaaray Shacabka.

Dawladda iyo Saaxiibadeed  weey  sii wadayaan  Dagaalka Ka  dhanka ah Alshabaab oo ah Cadaw utaagan Dilka Muwaadiniinta Soomaaliyeed waana loogu gali doonaan God kasta oo ay isku qarinayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media