Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dagaalka ka socda magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay dad lagu dilay qaab qabiilaysan. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa qoraal ay soo saartay ku codsatay in dhinacyada ku lugta leh colaadda ay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka.
Dowladda ayaa si gaar ah fariin ugu dirtay waxgaradka iyo odayaasha deegaanka, iyagoo ka codsaday in ay door hoggaamineed ka qaataan soo afjaridda colaadda iyo soo celinta nabadda. “Waxaan ugu baaqaynaa waxgaradka iyo odayaasha deegaanka in ay ka shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa dagaalka, loona heli lahaa xal waara oo lagu soo afjaro colaadda,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Xaaladda Ceerigaabo ayaa wali ah mid kacsan, iyadoo ay sii xoogeysaneyso baaqyada nabadeed ee ka imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dowladda, kuwaas oo rajeynaya in dagaalka laga baaqsado si looga hortago dhiig kale oo daata.