Dowladda Soomaaliya oo Wafdi korjoogto ka noqda doorashada u dirtay M/Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta wafdi isugu jira wasiiro iyo Xildhibano u dirtay Magalada Baydhabo,kuwaas oo korjoogto ka noqonaya doorashada la filayo in ay ka dhacdo Magalada Baydhabo.

Wafdiga ayaa waxaa horkacaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,waxana ay qeyb ka noqonayaan korjoogtada ka qeybgaleysa doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Marka laga soo tago Wafdiga ka socda Dowladda Federaalka weli lama sheegin in wafdi ka socda Beesha Caalamka ay ka qeybgalayaan doorashada sida ay hoay korjoogto uga noqon jireen doorashooyinka dalka ka dhacay.

Dad badan oo Siyaasada la socda ayaa aaminsan in doorashada Maanta ka dhaceysa Baydhabo uu kusoo bixi doono musharax ay wadato dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu Magacaabo Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen).

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor