• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, June 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Dowladda Soomaaliya oo Soo bandhigtay Waxqabadka Todobaadkii Tagay (warsaxafdeed)

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 14, 2015
in Warar
Reading Time: 10 mins read
A A
4
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Shirkad Ceymis oo ka howlgashay Soomaaliya, Dowladda oo soo dhoweysey dhiirigelinta maalgashiga dalka, Warbaahinta Dalka oo la horumarinayo, Waddada u dhaxeysa Garowe iyo Galkacyo oo la dayactirayo, Baarlamaanka Soomaaliya oo dar-dargelinaya hiigsiga 2016, Eedeysanayaashii ka danbeeyey falkii qaraxa hotel SYL oo maxkamad la saarayo, Maxkamadda Ciidanka oo danbiilayaal xukuntay, UNDP oo 5 gaari ku wareejisey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowladda oo soo dhoweysey Go’aankii Mareykanka Zakariya uga saareen liiska.

Shirkad Ceymis oo ka howlgashay Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 12kii Maarso daah furey Shirkadda Caymiska ee Takaful Afrika, laanteeda Soomaaliya. Waa markii ugu horeysey ee muddo 25 ah kadib shirkad baaxaddan leh oo dhinaca caymiska ay ka hawlgasho Soomaaliya, waxaana la rejeynayaa in shirkaddan ay adeegyadooda gaarsiin doonto dhammaan gobollada dalka. Madaxweynaha ayaa ugu baaqey shacabka inay ka faa’ideystaan adeegyada nocaan oo kale ah oo wax ka taraya dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, iyadoo weliba shirkaddan ay hawlaheeda ku saleysan yihiin shareecada Islaamka. Dowladda Federaalka ayaa soo dhoweyneysa dadaalada ganacsatada Soomaaliyeed kuna dhiiri gelineysa in dalka laga hirgeliyo adeegyada muhiimka u ah bulshada.

Dowladda oo soo dhoweysey dhiirigelinta maalgashiga dalka

Dowladda Mareykanka ayaa maalgelisay shir muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya, shirkan oo looga hadlayey maalgeshiga Soomaaliya ayaa waxuu ka dhacay Nairobi oo 8dii ilaa iyo 11kii Maarso 2015 uu halkaas ka socday. Ujeedada shirkan muhiimka ah ayaa ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Shirkadaha ku midoobay Shuraako, iyadoo ay gacan ka geysteen Bangiga aduunka iyo safaarada Mareykanka, waxaana ka soo qeyb galay in ka badan 300 oo ergo ah oo ka kala socday shirkado iyo ganacsato yar yar oo ka kala yimid Soomaaliya iyo wadamada dibadda. Agaasimaha Shirkadaha Shuraako Lee C .Sorensen, C/kariim Jirde goole oo shirkadaha Shuraako u qabilsan Soomaaliya iyo Breeann McCusker oo saafarada Mareykanka ayaa shir jaraa’id wada qabtay oo ay ku sheeegeen in shirarka noocan oo kale ah oo lagu dhiirigelinayo maalgashiga Soomaaliya la sii joogteyn doono. Bacdamaa Soomaaliya uu ka jiro horumar joogta ah waxaa muhiim ah in ganacsatada Soomaaliyeed la siiyo fursado maalgashi ah si dhaqaalaha dalka kor loogu qaado.

Warbaahinta Dalka oo la horumarinayo

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa gaaray Nairobi 10kii Maarso ilaa iyo 13kii Maarso, si uu diblomaasiyiinta beesha caalamka uu ugala hadlo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta dalka Soomaaliya. Ujeedada safarka Wasiirka ayaa aheyd in beesha caalamka loo bandhigo qorsheyaasha Wasaaradda iyo in lagu dhiiri geliyo taageeradooda warbaahinta dalka. Waddamada Mareykanka, Finland, Japan iyo Midowga Yurub ayaa dhammaan qiray horumarka ballaaran ee Dowladda Federaalka ee labadii sano ee la soo dhaafay, isla markaasna muujiyey sida ay u doonayaan inay u taageeraan qorsheyaasha dowladda oo waddanka lagu gaarsiinayo doorashooyin sanadka 2016ka. Beesha caalamku waxey soo dhoweeyeen qorsheyaasha wacyigelinta ee Wasaaraddu dooneyso inay dhaqangeliso sidii sidii shacabka loo gaarsiin lahaa barnaamijka dib u eegista dastuurka, dhaqangelinta nidaamka federaalka iyo bilaabidda barnaamijka dimoqraadiyeynta dalka.

Waddada u dhaxeysa Garowe iyo Galkacyo oo la dayactirayo

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa 11kii Maarso daahfuray wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo oo Midowgya Yurub iyo Jarmalka ay maalgelinayaan. Danjiraha Midowga Yurub Michele D’urso-Cervone iyo Danjiraha Jarmalka Andreas Pesxhke ayaa goobjoog ka ahaa xafladda daahfurka. Waddadan ayaa muhiim u ah dalka Soomaaliya, waxeyna isku xirtaa gobollo fara badan. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in mashruucaan faa’iido weyn ugu jiro shacabka Soomaaliyeed. Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya 21million oo dollar, 18-million oo ka mid ah lacagtaas waxaa bixinaya midowga yurub halka 3-million ay bixinayso Dawladda Jarmalka, waxaana fulinaya mashruucaan Hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee Jarmalka GIZ. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in si wax-soosaarka dalka loo kordhiyo waxaa muhiim ah in waddooyinkii isku xiri lahaa bulshada iyo ganacsatada in la dhiso. Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in la abuuro jawigii dalka lagu maalgelin lahaa si dhaqaalaha kor loogu qaado oo shacabka ay helaan shaqooyin iyo nolol maalmeed wanaagsan.

Baarlamaanka Soomaaliya oo dar-dargelinaya hiigsiga 2016

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 10kii Maarso magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda uga furay Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya kulan howleed la xiriira dejinta qorshayaasha Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhowaan furmaya. Hay’adda Awepa ayaa fududeysay in baalamaanka uu yeesho qorshe-howleedkan muhiimka ah. Xubnaha guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa dib u eegis ku sameynaya kalfadhiyadii hore ee baarlamaanka si kalfadhiga 6aad uu u noqdo mid la dardargeliyo howlaha mihiimka ah ee la xiriira dhaqangelinta barnaamijka hiigsiga 2016ka.
Arrimaha sida gaarka ah ay u qorsheynayaan baaarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah hirgelinta guddiyada madaxa bannaan ee lagama maarmaanka u ah hiigsiga 2016ka kuwaasi oo shuruucdooda Baarlamaanku horey u ansixiyey. Gudddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Ugandha ayaa 2013kii heshiis kala saxiixday kaasoo lagu xoojinayo tayada baarlamaanka Soomaaliya.

Eedeysanayaashii ka danbeeyey falkii qaraxa hotel SYL oo maxkamad la saarayo

Ku xigeenka Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa 10kii Maarso 2015 sheegay in guddigii baarista falkii qaraxa ee 22kii Janaayo ka dhacay Hotel SYL ay ku guulaysteen in ay helaan xogaha rasmiga ah ee ku saabsan shakhsiyaad ku lug lahaa qaraxaasi. Guddiga ayaa ku guuleystay 11 ruux oo eedeysanayaal ah in la dhigo xabsiga dhexe iyadoo baaritaano ay ku socdaan. Shaqsiyaadkaas ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad loo soo taagi doonaa iyagoo lagu eedeeyey in shakhsiyaadkaas la tuhunsanyahay in ay fududeeyeen qaraxii ka dhacay Hoteelka SYL. Dadka la qabtay waxaa ku jira saraakiil ciidanka dowladda ka tirsan. Dowladda Soomaaliya ayaa in muddo ahba waday dadaallo dadka danbiyada geysta lagu horkeenayo maxkamad iyadoo waqtigii aan la isla xisaabtami jirin uu dhammaaday oo maanta ay Dowladda diyaar u tahay in shacabka la tuso waxqabad dhab ah.

Maxkamadda Ciidanka oo danbiilayaal xukuntay

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 10kii Maarso xukuno isugu jira dil iyo Xabsi-daa’in ku ridey Lix eedeysane oo dacwad ciqaabeedkooda ay Maxkamadu u fadhiisatay.
Lixdan eedeysane ayaa ku kala edeysanaa fal dambiyeedyo la shaqeynta iyo ka mid ahaanshiyaha maleeshiyaadka kooxda UGUS iyo askari ka tirsanaa Ciidamada Xooga Dalka oo 14 /04 /2010 ku diley nin rayid ahaa degmada Dherkeynley ee gobolka Banaadir kaas oo Maxkamadu ay ku riday xukun dil ah. Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxman Aadan oo ah kaaliyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa aqriyey xukunnadii lagu riday danbiilayaasha. Dowladda Federaalka ayaa wado dadaalo lagu xasilinayo dalka oo dhan isla markaasna looga sifeeynayo kooxaha nabad-diidka ah ee gumaada shacabka. Tan waxey fariin cad u tahay kuwa weli sii wada falalka argagaxisada oo ay dowladdu ugu baaqeyso inay nabadda qaataan oo ay qoryaha iska dhigaan.
UNDP oo 5 gaari ku wareejisey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Hay’adda UNDP ayaa 9kii Maarso 2015 ku wareejisay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 5 gaari oo deeq ah. Dowladda ayaa soo dhoweysay tallaabadan isla markaasna sheegtay in gaadiidka loogu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa qorsheynaya in sanadkan 2015 uu noqdo sanad waxqabad si loo xaqiijiyo in hiigsiga 2016 la dhaqangeliyo. Gaadiidkan ayaa kaalin ka qadanaya horumarinta iyo fududeynta shaqada xafiiska.

Dowladda oo soo dhoweysey Go’aankii Mareykanka Zakariya uga saareen liiska

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii dowladda Mareykanka ay Zakariye Ismaaciil Xirsi oo loo yaqaan Zaki, kaga saartay liiska dadka madaxooda lacagaha abaalmarinta ah la dul dhigay. Dowladda Federaalka ayaa ka codsatay Mareykanka inay liiska dib u eegis ku sameeyeen ka dib markii Zakariya uu nabadda qaatay isla markaasna sheegay inuusan qori danbe qaadan doonin, kana shaqeyn doono nabadeynta iyo horumarka Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu sheegay in talaabadaasi ay ku timid wada hadal dhexmaray dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya, si loo xaqiijiyo, looguna abaalmariyo go’aanka uu qaatay ee uu kaga haray xoog wax ku raadinta, diidista fikradaha kooxda Al-Shabab iyo isagoo si rasmi ugu biirey hanaanka nabadda, kuwaas oo ah shuruudaha ugu muhiimsan ee laga doonayo inay fuliyaan shakhsiyaadka ka soo goosanaya Al-Shabab. Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dowladda Mareykanka iyo dowladaha kale ee kala dhexeeya iskaashiga ku aadan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab, iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska Soomaaliya. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay xaqiijineysaa in ay taageero u fidin doonto maleeshiyaadka ka soo goosta kooxda Shabaab, si ay dib ugu soo biiraan shacabka, waxaana ay horey sidaan oo kale fursadda u helay in liiska argagixisada ah laga saaro Sheekh Maxamed Saciid Atom oo kal hore isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso: Howlaha Canshuur aruurinta Afgooye oo Sharci daro lagu Tilmaamay

Next Post

Kenya says it had intelligence report before US drone strike killed Al Shabaab figure

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya
Warar

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

June 14, 2025
Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay
Warar

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

June 14, 2025
Weerar Gantaallo ah oo Iran Fulisay oo Sababay Dhaawaca Dad Badan gudaha Israa’iil
Warar

Weerar Gantaallo ah oo Iran Fulisay oo Sababay Dhaawaca Dad Badan gudaha Israa’iil

June 14, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

June 12, 2025
Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)
Warar

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

June 12, 2025
Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

June 11, 2025
Next Post

Kenya says it had intelligence report before US drone strike killed Al Shabaab figure

Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges

Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges

by Gesey Liban
June 14, 2025
0

Mogadishu — The corridors of power in Mogadishu are shifting once again, as Mahad Maxamed Salaad is officially set to...

Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation

Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation

by Gesey Liban
June 14, 2025
0

Tehran — In a chilling revelation that could shift the delicate balance of power in the Middle East, Iranian state...

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

by Ilhaan
June 14, 2025
0

Waxaa saaka si rasmi ah uga bilaabmay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka imtixaanka shahaadiga ah ee...

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

by Ilhaan
June 14, 2025
0

Televishinka qaranka Iran ayaa Sabtidii baahiyay war sheegaya in hay’adaha sirdoonka Iran ay heleen dukumeenti xasaasi ah oo la xiriira...

Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges
English News

Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation
English News

Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya
Warar

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay
Warar

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Weerar Gantaallo ah oo Iran Fulisay oo Sababay Dhaawaca Dad Badan gudaha Israa’iil
Warar

Weerar Gantaallo ah oo Iran Fulisay oo Sababay Dhaawaca Dad Badan gudaha Israa’iil

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
National Exams Begin Across Somalia: Students Sit for the Future
English News

National Exams Begin Across Somalia: Students Sit for the Future

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges
  • Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation
  • Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya
  • Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00