Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan ayay Ciidamada Amniga ku soo xireen Sarkaal ka tirsanaa dhinaca Amniyaatka Al-shabaab, waxuuna u qaabilsanaa dilalka qorsheysan,waa sida ay sheegtay dowladda.
War qoraal ah oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaa waxaa lagu sheegay in Sarkaalkan uu ahaa kiin ugu dambeeyay ee abaabulka iyo hugaaminta Dilalka loo gaystay Dadka shacabka ah.
Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan uu ahaa midkii sadexaad ee todobaadkii la soo dhaafay Ciidamada amniga ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.