Dowladda Soomalaiya ayaa sheegtay in howlgal lagu dilay xubno ka tirsan AL-Shabaab ay ka fulisay Gobolka Shabeellaha hoose.
Howlgalka lagu sheegay mid sifeyn ah ayay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana lagu dilay in ka badan 10 dagaalame, sida uu sheegay afayeen u hadlay wasaradda Gaashaandhigga.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa xaqiijiyay in howgalkaasi la fuliyay.
Howlgalka ayaan si gaar ah kaga dhacay deegaanka Nuur-Gare oo u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana gobolkaas ka socda howlgallo ka dhan ah AS, kuwaasi oo ku sugan deegaanada fog-fog ee Sh/Hoose.