HomeWararDowladda Soomaaliya oo shaacisay inay Dhaqaale la’aan soo wajahday

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay Dhaqaale la’aan soo wajahday

Date:

Related stories

Cambaareyn Caalami ah: Sacuudiga, Turkiga iyo Waddamo kale oo Gaashaanka ku dhuftay Qorshaha Israa’iil ee Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Sacuudiga, Turkiga, Indonesia iyo waddamo kale ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay wakiil ugu magacawday Somaliland. Warbixintan waxay faahfaahinaysaa sida dalalkani ay u difaaceen madaxbannaanida Soomaaliya,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madasha Antaaliya ka Jeediyay Farriin Miisaan Leh

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Turkiga uga qayb galay Madasha Diblumaasiyadda ee Antaaliya, halkaas oo uu kaga hadlay muhiimadda wada-hadalka iyo iskaashiga caalamiga ah. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha,

Puntland President Deni Overhauls Police Leadership in Major Security Shake-Up

Puntland's President Said Abdullahi Deni has announced a sweeping restructuring of the regional police force, appointing a new second deputy commander and fresh leadership across key departments, including the Criminal Investigations Department (CID) and regional police commands. The move is seen as part of broader security reforms to strengthen law enforcement in the semi-autonomous state.

Somalia’s Elite Gorgor Unit Delivers Lifeline to Drought-Hit Families

The Gorgor Commandos of the Somali National Army have conducted a humanitarian operation in the Middle Shabelle region, delivering critical food aid to communities suffering from severe drought in an incredible show of solidarity.

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa shaacisay in dhaqaale yari soo wajahday dowladda Federaalka, kadib markii Beesha Caalamka ay joojisay dhaqaalihii ay siin jireen.

Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlaayay kulan qadka ZOOM-ka ayaa waxaa uu sheegay in Lacagtii lagu kabi jiray Miisaaniyada dowladda laga joojiyay, wixii ka dambeeyay Bishii Ogoosto ee sanadkii 2020, ayna soo wajahday dhaqaale xumi.

Waxaa uu sheegay Wasiir C/raxmaan Beyle in lacago ay horey u siiyeen dowladdaha Qatar iyo Sacuudiga ay haatan dowladda Federaalka ku bixiso Mushaaraadka, isla markaaan lacagahaas dhammaadeen iyagiina.

“Lacagihii kabka ee dunida sannadkii hore ayaa nala ka joojiyey, xoogaa Sucuudiga iyo Qadar na siiyeen ayaan Mushaarka ku bixinaynay iyagiina dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda, waa in Soomaalidu iskutashato oo dalkan yeelato”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Maaliyada Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay taageero dhaqaale siiyaan dowladda, maadaama ay soo wajahday dhaqaale xumi tii ugu darneyd.

Dadka falanqeeya Arrimaha siyaasadda dalka ayaa sheegaya in dhaqaale xumida heysata dowladda ay timid, kadib markii khilaaf ka dhex bilowday Beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka, kaasi oo salka ku haayay riditaanka Xukuumaddii hore ee Xasan Cali Kheyre.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories