Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir looga hadlay xasaradaha ka jira Gobolka

Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) ayaa magaalada Nairobi uga qayb-galey shir heer wasiir ah oo ay soo qaban qaabisay IGAD-ICPAC.

Shirkaan ayaa looga hadlayey xasaradaha gobolka ka jira sida cunno yarida iyo abaaraha soo now-noqday, waxaana si gaar ah diiradda loogu saarey in si wadajir ah loo abaaro xasaradahaan iyadoo laga eegayo xiriirka u dhaxeeya gargaarka, horumarka iyo amniga (Humanitarian, Development and Peace nexus).

Wasiir Axmed Baashi oo madashaas khudbad ka jeediyay ayaa kasoo qeyb-galayaasha la wadaagay aragtida Soomaaliya ee ku aadan muhiimadda ay leedahay in jawaab mideysan laga bixiyo dhibaatooyinka abaaraha ee soo noq-noqday.

Dalka ayaa kamid ah dalalka Gobolka oo ay ka jiraan abaaro baahsan, waxaana socda gurmadyo kala duwan oo loo sameeynayo dadka abaareysan, Abaarta sanadkaan ku dhufatay Soomaaliya ayaa gaartay meel adag, iyadoona dad u dhinteen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor