Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shirka sanadlaha Bangiga Aduunka oo sanadkaan lagu qabtay Mareegta Internet-ka gaar ahaan aada loo yaqaano ZOOM-ka, sababo la xiriira Cudurka halista ee COVID-19 oo dunida ka jira.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay halka uu marayo dhaqaalaha Soomaaliya’ (Somalia Economic Update) oo sanadkaan aan diiradda lagu saaray saameynta dhaqaale ee uu geystay Cudurka Coronavirus.
Dowladda ayaa waxaa shirka uga qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, isagoo sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay xoojiso Isbadalka iyo Hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya.
“Dib-u-habeynta iyo Hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya ayaa inoo horseeday in Caalamku uu na garab istaagay xiligaan adag ee uu jiro hoos-u-dhaca dhaqaalaha. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay xoojiso isbadalka iyo Hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya†ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Beyle oo Qoraal soo saaray.