Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Geerida Allaha u naxariistee Xasan Abshir Faarax.
Marxuum Xasan ayaa waxaa uu maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaalla Magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turkiga, isagoo xanuunkii haayay uu Maanta halkaas ugu geeriyooday.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuum Xasan Abshir Faarax oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee uu hogaaminayay Madaxweyne cabdiqaasim Salaad Xasan.
Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa tacsi u diray Eheladii, qaraabadii, Asxaabtii iyo Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xasan Abshir Faarax, isagoo marna soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Dowladda Soomaaliya ayaa u qaaday dalka Turkiga Marxuum Xasan si loola tacaalo xaaladiisa caafimaad, waxaana uu kamid ahaa ahaa asaasayaashii dowlad Goboleedka Puntland.