Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida wariye C/qaadir Maxamed Mursal

Alla ha u naxriistee Waxaa dalka Mareykanka ku geeriyooday marxuum wariye C/qaadir Maxamed Mursal oo ahaa rugcadaa Saxaafadeed.

Marxuumka wuxuu kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee howsha saxaafadda kaga soo shaqeeyay dalka,wuxuuna uu soo maray wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo warbaahinno kale.

Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku xanaansanayay Mareykanka oo uu kunoolaa,ina lilaahi wa ina ileyhi raajicuun.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka tacsiyadeeyey geerida marxuumka,wuxuuna alle uga baryay in uu janadii Fardowsa uu ka waraabiyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media