Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida C/qaadir Cali Boolaay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiis Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye” ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee marxuum Dr. C/qaadir Cali Boolaay.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS mudane Aadan Isaaq Cali ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid marxuum C/qaadir Cali Boolaay.

“Alle ha u naxariisto halgamaa Dr. C/qaadir Cali Boolaay oo saakay ku geeriyooday London, waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed Gaar ahaan qoyska reer Cali Boolaay,waxaan ku booqday isbitaal ku yaala London isagoo xanuunsan, waxaa uu ila wadaagay talooyin dhaxal gal ah, talooyin u badnaa wadaniyadda,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Dr C/qaadir Cali Boolaay waxa uu ahaa shaqsi kaalin muuqata ka galay warbaahinta Soomaaliya, wuxuuna wax kasoo saari jiray wargeysyadii Corriera Della Somalo, New Era, Uninone, Stella di October, Xidigta Oktoobar & “waarimeysid” oo ka soo kala bixi jiray Magaalooyinka Muqdisho iyo Rotterdam.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media