Kenya ayaa dalbatay in dib loo dhigo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya ee ka furan ICJ,si ay u qorato qareenno cusub oo difaaca.
Kulan Guddiga Amniga iyo Nabadda Afrika ku yeeshay Addis Ababa,ayay Kenya ka sheegtay inay dooneyso in dacwadda Badda Soomaaliya ee ay Kenya sheeganeyso lagu xalliyo wadahadal, dibna loo dhigo s ay u qorato qareenno iyo xooggan oo difaacda.
Soomaaliya ayaa dalbatay in dacwaddan loo daayo maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo dhageysigeeda u muddeysay 9-ka bishan.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Khayr ayaa kulanka ka sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay in dacwaddan lagu dhammeeyo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ay hor taallo.
Kenya ayaa sheegatay qeyb ka mid ah xeebaha Soomaaliya oo uu shidaal ku jiro. Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ka dacweysay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, waxaana qorshuhu yahay in dacwadda la galo 9-ka bishan September.