Dowladda Soomaaliya oo hakisay dhammaan duulimaadyadii Kismaayo

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu hakiyay duulimaadyadii tooska ahaa ee Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Hay’adda Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ayaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha ku amartay in muddo saddex maalmood ah la hakiyay duulimaadyadii Magaalada Kismaayo,isla markaana dib loo fasaxyo markii waqtigaas la qabtay uu dhammaado.

Sidoo kale mudada la hakiyay dhammaan duulimaadyadii Kismaayo ayaa ka bilaabaneysa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 23-ka bisha September 2019,waxaana ay ku egtahay 26-ka Bishaan,waxaana mudadaas la shaaciyay in wax duulimaadka ka degi karin Kismaayo.

Shalay ayay aheyd markii Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saartay amar ah in Shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor.

Si kastaba Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ka dhacdo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland,hayeeshee tallaabada ay qaaday dowladda ayaa u muuqata mid lagu joojinayo tegi Kismaayo Wafduuda kala duwan ee ka qeyb galeysa Xaflada Caleemo-saarka Axmed Madoobe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media