Dowladda Soomaaliya oo dib u soo celineysa Maxaabiis horleh

Danjiraha qaranka Soomaaliyeed u qaabilsan Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka goan tahay dib usoo celinta muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalalka Caalamka.

Danjire Cali Saciid Fiqi oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa tilmaamay in Dowladdu xoogga saarayso hanaanka dib usoo celinta muwadiniinta Soomaaliyeed si ay mar kale ola midoobaan waalidiintooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilihii dambe waday dib usoo celinta muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalalka Caalamka iyo Maxabiistii ugu horeesay laga soo daayay Wadamada Itoobiya iyo Hindiya taasoo ka dhigan guulaha ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media