Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay fal ay Ciidanka Puntland ka gaysteen Magaalada Dhahar

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xun tahay fal ay sheegtay in ay ku keceen Ciidamada Amniga Puntland, kaasi oo ahaa in si ula kac ah  ay xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag, kuwaasi oo samaynayay banaanbax nabadeed.

Qoraal kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ay ku baaqayso in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed. Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor