Wasiirka Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Omar Osman ayaa sheegay inay Dowladda Federalka ka go’an tahay Xaqiijinta Xorriyadda Hadalka,isla markaana qorsheynayso Horumarinta Warbaahinta Somalia.
Eng. Yariisow ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Xafiiska kula kulmay Jens Kiesheyer oo ah Xiriiriyaha Barnaamijyadda ee Hay’adda Saxaafadda Afrika ee Saxaafadda Madaxa Bannaan ee aan xadidnayn (program coordinator for Africa of Free Press Unlimited).
Labada Mas\uul ayaa isla eegay Xaalladda Xorriyadda Warbaahinta
Somalia, wuxuuna Eng. Yariisow carrabka ku dhuftay haddii ay Somalia noqoto dal Nabdoon inay Warbaahinta Somalia noqon doonto Horyaalka Saxaafadda Xorta ee Qaaradda Afrika, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Muhiimadeenna waxay tahay sidii loo taageeri lahaa Xorriyadda Hadalka iyo Saxaafadda Madaxa-bannaan†ayuu yiri Wasiir Yariisow, oo intaasi ku daray in Dastuurka KMG ee Somalia xushmeynayo Qoddobka Article 18 ee Caalamiga, ee kafaala-qaadayo inay Suxufiyiinta helaan Madax-bannaani, isla markaana laga dhowro Handadaadda iyo Tacadiyadda kale.
Si kastaba ha ahaatee, dalkeenna Somaalia waxa uu Kaalimaha ugu
hooseeyo ugu jira Heerka Xorriyadda Saxaafadda Caalamka, waxayna Suxufiyiinta Somali ku shaqeeyaan Xaallad Khatar iyo Cabsi xambaarsan.