Dowladda Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay qoondada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda  Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta la kulantay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire James Swan.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30%, ilaalinta xuquuqda aadaha xilliga doorashada iyo Arrimo kale oo muhiim u ah iyo xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda iyo Qaramada Midoobay.

Sidoo kale Wasiir Xaniifa Maxam iyo James Swan ayaa wada hadlay dardar gelinta shaqada xarunta u qareemidda Qoonddada haweenka ee ugu yeraan 30% oo dhowaan wasiirku xarigga ka jartay.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, xilli Wasaaradda haweenka waddo dadaalo ay ku xaqiijinayso qoonddada haweenka ee 30% oo ay ku leeyihiin Baarlamaanka 11 aad ee doorashadiisa loo madlan yahay.

Comments
Loading...