Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fulisay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda ISIS-Somalia, kuwaas oo halis ku ah amniga dalka iyo danaha caalamiga ah ee gobolka.
Duqeyntii ugu horreysay ayaa la qaaday 31-kii May 2025, waxaana lagu beegsaday bartilmaameed 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Duqeyntii labaad ayaa dhacday 1-da Juun 2025, iyadoo lala eegtay goob 72km u jirta Boosaaso dhanka koonfureed.
“Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia si looga hortago qorsheynta iyo fulinta weerarro argagixiso oo wax u dhimi kara shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamka,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay Taliska AFRICOM taageeradooda joogtada ah, iyadoo adkaysay go’aankeeda ku aaddan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah. Sidoo kale, dowladda ayaa uga mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka garab istaagga ay u muujiyaan amniga iyo xasilloonida dalka.
Dhankooda, AFRICOM ayaa xaqiijisay in iyagoo la kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadaan tallaabooyin lagu xakameynayo awoodda ISIS-Somalia, si loo hor istaago khataraha ka imaan kara weerarro laga geysto gudaha Soomaaliya iyo meelaha ay joogaan ciidamada iyo muwaadiniinta Mareykanka.