Dowladda Somalia oo War kasoo saartay kulankii MD Farmaajo iyo Muuse Biixi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay kulankii shalay Magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somalia ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed loogu mahadceliyay marti-gelinta shirkii dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali marti-gelinta kulankii shalay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda.

Dhinaca ke dowladda wax faah faahin ah kama bixin waxyaabaha looga hadlay kulanka labada Madaxweyne, kaasi oo qaatay dhowr daqiiqo.

Waa kulankii ugu horeeyay ee dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media