Dowladda Somalia oo shaacisay in ay dishay Madaxii qaraxyada Alshabaaba ee Sh/hoose

Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee Danab ayaa howlgal qorsheeysan oo ay kasameeyeen Degmada Walanweeyn ee Gobolka Shabeelaha hoose waxeey kudileen madaxii Al-Shabaab uqaabilsanaa waxyaabaha qarxa ee Gobolka Shabeelaha hoose kaasi oo lagu magacaabo Maxmed Cismaan Xuseen Buluush.

Dowladda ayaa sheegtay in markii uu Ninkaan uu arkay Ciidamadda lasoobaxay qori AK47  islamarkaasna dagaalamay kadib Ciidamadda kumaandooska ee howlgalka sameeynayay ayaa toogtay.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa qabashadaa sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay Wakaaladda wararka ee SONA, balse dagaalamay sidaasina ay ku toogteen Ciidamadda kumaandooska Xoogga Dalka.

Ninkaan ay toogteen ciidamada dowladda  ayaa wuxuu badalay Maxamed Siidoow oo 28 December 2019 lagu dilay Duqeeyn kadhacday Tuulada Caliyoow Baroow sida uu inoo xaqiijiyay Taliyaha Guutada 16aad kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Gle/ISmaaciil Cabdi Maalik.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media