Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dowladda Kenya kaddib wada hadal mira dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in dowladda Federaalka ay dib u soo celisay xiriirkii kala dhexeeyay dowladda Kenya, isla markaana heshiis la gaaray.
Waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta in xiriirka labada lasoo celiyay, iyadoo la ilaalinayo danaha deris wanaaga iyo xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada dal horey uga dhexeeyay.
“Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha” ayuu yiri Al-cadaala.
Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in Madaxweynayaasha labada dal ay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintaan.
Kenya ayaa markii horeba sheegeysay in xiriirka uu dhankeeeda caadi ka ahaa, dhowr jeer oo Dowlado iyo diblomaasiyiin ay arrintan kala hadleen u sheegtay in Soomaaliya soo celiso xiriirka.
Arrintaan ayaa ka dambeysay, kaddib saacado un kaddib markii Ergeyga Qatar ee Wasaaradda Arrimah Dibadda Qatar uu booqasho ku tagay Nairobi, lana kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isagoo gaarsiiyay farriin uu ka siday Amiirka Qatar.