Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday in la xiro goobaha Barashada Diinta

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa go’aamiyay in la xiro goobaha barashada Diinta, dugsiyada iyo Mowlacyada, islamarkaana dadweynaha kula taliyay in guryohooda ay ku cibaadaystaan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diintam Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in wixii berri ka bilowda si rasmi ah loo xirayo Dugsiyada Barashada Qur’aanka & xarumaha Barashada Diinta muddo (2) laba todobaad.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in sababta loo xirayo goobaha barashada Diinta ay tahay ka hortegista faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka.

“Laga bilaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay Dugsiyada Barashada Qur’aanka & xarumaha Barashada Diinta muddo (2) laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19, Wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta waxay mas’uuliyad ka saaran tahay qaadashada kaalinteeda ilaalinta badqabka & caafimaadka bulshada” ayaa lagu yiri Qoraalka ay soo saartay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowladda.

Si kastaba dowladda Federaalka ayaa dhawaan xirtay Goobaha Waxbarashada sida Iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo  Gobolada dalka, iyadoona  ay xusid mudan tahay in amarkaas uu dhaqan galay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media