Dowladda Somalia oo ka tacsiyeeysay geerida Fanaankii Cabdi Tahliil

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay Geerida xanuunka badan ee ku timid allaha u naxariistee hobolkii Qaranka Cabdi Tahliil Warsame oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu yiri waxaan Allah uga baryaynaa Ehelka marxuumka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaha u naxariistee Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame ayaa muddo dhowr sano ah ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho isaga oo ugu dambeyntii ku geeriyooday Isbitaal si deg deg ah loola cararay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media