Dowladda Somalia oo ka hadashay Qaraxii lagu Eedeeyay Qatar ee ka dhacay Boosaaso

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times ee kasoo baxay dalka Mareykanka oo dowladda Qatar la xiriirisay qarax sanadkan ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga dowlad Goboleedka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo wareysi siiyey laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay inay arrintan kala hadleen dowladda Qatar,isla markaana ay beenisay.

Sidoo kale Wasiir Cawad ayaa waxaa uu sheegay inuu u yimid safiirka Qatar ee Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya ay ku qanacday sharaxaaddii uu arrintan ka bixiyey.

Wargeyka The New York Times ee kasoo baxaya dalka Mareykanka ayaa uu baahiyay Warbixin ku aadan Cod Telefoon laga duubay Danjiraha Qatar u jooga Soomaaliya iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani,kaasi oo ay ka wada hadleen Qarixii bishii May ee sannadkan ka dhacay Boosaaso,hayeeshee Dowladda Qatar ayaa gaashaanka ku dhufatay warbixintii lagu eedeeyay ee aheyd inay ku lug leedahay Qaraxyadda ka dhaca Somalia, isla markaana ay taageero siiyaan Kooxaha Islaamiyiinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media