Dowladda Somalia oo ka hadashay Imtixaanka shahaadiga ee Maanta bilowday

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Wasiirka Waxbarashada ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyadda sare sanad dugsiyeedka 2020-2021 oo sanadkaan ay galayso ardey gaareysa 42 kun.

Mahdi Guuleed ayaa ardayda dugsiyada sare ee maanta u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ah u rajeeyay inuu guul ugu soo dhammaado imtixaanka, waxaana sidoo kale Imtixaanka uu ka bilowday maamulada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Eng C/llaahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in imtixaanka dugsiyaddaa sare ee maanta ka bilowday dalka lagu geli doono 121 Goobood marka laga soo bilaabo Gaalkacyo, ayna u fariisanayaan 42 kun oo Arday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa siweyn u sugaya goobaha Arday ay ku galayaan Imtixaanka shahaadiga, waxaana gaadiidka noocyadiisa kala duwan loo diidayaa inay hormaraan goobahaas.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa sanad kasta qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyadda Sare, iyada oo loo diyaariyay qaab waafaqsan nidaamka waxbarashada dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor