Dowladda Somalia oo ka hadashay dagaal ka dhacay gobolka Sh/hoose

Howl-gallo baaxad leh oo ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 14 Oktoobar ka fuliyeen degaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu bur-buriyay fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen Al-Shabaab.

Howlaglkan oo Ciidanka xoogga fuliyeen Xalay ayaa sidoo kale waxay halkaasi ku dileen ugu yaraan 6-dagaalame oo ka tirsanaa Alshabaab, iyada oo sidoo kale la wareegay Hub iyo Saanad Millitari.

Qaar ka mid ah Saraakiisha xoogga Dalka ee hoggaamineysa dagaalka ka dhanka ah Shabaab ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaaliya u sheegtay in ay weli halkaasi ka wadaan howlgallo lagu baacsanayo xubno baxsad ah kana tirsan dagaalamayaasha Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media