Dowladda Somalia oo isbedel ku sameysay Ciidamadii ku sugnaa Wadada Warshadaha

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay isbedel ku sameysay Ciidamada amniga caasimadda kuwaas oo ku sugnaa Wadooyinka Waaweyn ee Magalada Muqdisho,xilli todobaad gudahiisa Magalada Muqdishi ay ka dhaceyn qaraxyo iyo weeraro toos ah.

Meelaha isbedelka lagu sameeyey ayaa waxaa ka mid ah Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ee ku sugnaa Wadada Warshadaha  ayaa loosoo wareejiyey gudaha Magalada sida Wadada Wadnaha iyo goobo kale.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya ayaa ku sugnaa Xaafadaha ku teedsan Wadada Warshadaha kuwaas oo ka kala tirsan degmooyinka Hurwaa,yaqshiid iyo Deeyniile,balse laga soo wareejiyey.

Maanta ayaa waxaa Wadada Warshadaha lagu arkay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed ,kuwaas oo sitaxadar leh u koontoroolaya Gawaarida dadweynaha ee isticmaalaya Wadada Warshadaha.

Laamaha amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin isbedelada lagu sameeyay Ciidamada Dowladda Soomaliya ee ku sugnaa Isgoysyada qaar ee Muqdisho,balse saraakiil ciidan oo sihoose ula hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in ay sabab u tahay qaraxyadii iyo weeraradii u dambeeyey ee ka dhacay Xarumo muhiim ah oo u dhow Villa Somalia.

Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta iyo ciidamo kale oo aad u farabadan ayaa bilooyinkii u dambeeyey lagu arkay wadooyinka Muqdisho,kuwaas oo baaritaano xoog leh ku sameynayey gaadiidka,waxaana dhinaca kale barbar socday qaraxyo iyo weeraro mararka qaar dhacaya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor