Dowladda Somalia oo IOM kala hadashay arrimaha xasilinta iyo dib u heshisiinta

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay wafdi uu hoggaaminayey Madaxa Howlgalka Soomaaliya ee Hay’adda Socdaalka Aduunka (IOM) Mr. Frantz Celestin.

Kulanka waxa ka qeybgalay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Ilyas Cali Xasan iyo  Agaasimaha guud ee Wasaaradda,  Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Arrimaha Xasilinta iyo Dib u heshisiinta.

Wasiirka Wasaaradda ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya in ay si dhow ula shaqeyso Hay’adda IOM ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Fiqi ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka waday Magaalada Muqdisho kulamo uu la qaadayey xubno ka tirsan Beesha Calaamka iyo Madaxda hay’addaha taageera dowladda Federaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor